Alshabaab ayaa degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku caleemo saartay Ugaas taageersan oo kasoo jeeda beesha Sheekhaal ee Jubbooyinka degta.
Xaflad ka dhacday degmada Jilib ayaa lagu Caleema saaray Suldaan Cali Cismaan Roorow Suldaanka beesha Sheekhaal ee jubbooyinka, iyadoo ay ka mas’uuliyiin ka tirsan Alshabaab oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobollada Jubbooyinka ee Alshabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo suldaanka cusub guddoonsiiyey Qori AK47 ah iyo Kitaab Quraan ah.
Alshabaab ayaa hore u sameystay Odayaal dhaqameed hoos taga, waxaana ugu dabeeyay suldaan ay dhowaan ku caleemo saartay Degmada Ceeldheer oo suldaan guud u ah Beesha Waceysle.







