Thursday, April 18, 2024

Alshabab oo dhaqaatiir Ajnabi ah ka afduubtay W/Bari Kenya & Wararkii ugu danbeeyay..

Koox hubeysan aya weerar ku qaaday dhaqaatiir ajanbi ah oo ku sugnaa magaalada Mandera ee Waqooyi Bari Kenya, iyagoo dilay sarkaal boolis ah, isla markaana afduubtay laba dhaqtar.

Labada dhakhtar ee laga afduubtay magaalada Mandheera ayaa u dhashay dalka Cuba, waxayna ku sii jeedeen xaruntooda shaqada markii koox wadata laba gaari oo yaryar ay isku hor gooyeen, kuwaasoo rasaas ku furay sarkaal boolis ah oo la socday oo goobta ku dhintay, waxaana baxsaday askari kale.

Dhakhaatiirta Cuba ayey dowladda Kenya kala timid dalkooda si ay u buuxiyaan dhaqaatiir yaraan iyo shaqo joojinta joogtada ah ee dhaqaatiirta dalkaasi ku kici jireen, waana shilkii ugu horeeyay ee dhaqaatiirtaaasi ku dhaca.

Ad

Kooxda weerarka geysatay ayaa loo maleynayaa inay ka tirsan yihiin Alshabaab. waxaana laga cabsi qabaa in Dhakhaatiirta la afduubtay loo tallaabiyay Soomaalya. Ciidamada Kenya ayaa sheegaya inay ku daba jiraan kooxda afduubka geysatay.

HOOS KA DAAWO WARKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON