Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo dil ku fulisay Nabadoon ay hore uga afduubatay Degmada Afmadow

Kooxda Alshabaab ayaa fal daldalaad ah ku fulisay shalay nabadoon caan ah oo ay hore uga soo afduubteen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Bashiir Cumar, waxaana maxkamad Alshabab ay leedahay ay ku xukuntay dil, markii lagu soo eedeeyay inuu la shaqeyn jiray maamulka Jubba iyo ciidamada Kenya.

Fagaaraha degmada Jilib ee loogu magac daray Macalin Ceyrow ayaa dilkaasi lagu fuliyay iyadoo ay isugu soo baxeen dadweyne la isu keenay.

Garsooraha Maxkamadda Alshabaab ayaa goobta ka sheegay in nabadoon Saalax ay gacanta ku dhigeen ciidamada Al-shabaab, isagoo ku sugnaa Degmada Afmadoow oo faraha kula jiray dambiyeed ka dhanka ah dadka muslimiinta, sida uu yiri.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON