Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo fagaare ku Toogatay Sixiroole iyo Askari ka tirsanaa Maamulka Jubbaland

Alshabaab ayaa xukun Dil ah ku fulisay nin lagu soo eedeeyay inuu ahaa Sixiroole iyo askari ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Maxkamadda Alshabaab ee Jubbooyinka ayaa xukun dil toogasho ah ah ku riday labadan nin oo lagu fuliyey Fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay ka qeyb galeen dadweyne fara badan.  

Ragga toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdullahi Xasan Cumar oo 59 sano jir ah oo la sheegay in lagu helay inuu ahaa nin Sixirka ku shaqeysan jiray muddo dheer, kuna dhibaateeyay dadka.

Ad

Waxa kaloo togashada lagu fuliyey Maxamed Mowliid Aadan oo 48 sano jir ah, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Jubbaland oo Alshabaab ku qabteen degaanka Janaay Cabdalle ee duleedka Kismaayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON