Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax lagu dhaawacay laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
Labadaan xildhibaan ayaa qaraxu haleelay xilli socod lug ah ku marayeen inta u dhaxeysa Xarunta Shirkadda biyaha ee Farjanno iyo saldhiga Booliska magaallada Jowhar, saqdii dhexe kadib, waxaana lagu qarxiyey Miino meel fog laga hagayey.
Xildhibaanada Qaraxa lala beegsaday ayey magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Cabdi Cali (Maxamed Dheere) iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow (Kheyre)waxaana dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada
Xilliga qaraxu dhacay ayey xildhibaannada la beegsaday kasoo laabteen munaasabadii xalay loogu dabaal-degay sannad-guuradi shanaad ee kasoo wareegtay marki la dhisay maamul goboleedka Hirshabelle.
Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu dhaawacay xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.
