Alshabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe toogasho ku fulisay, kadib markii ay ku eedeysay inay Basaasiin u ahaayeen Mareykanka, Qaramada Midoobay, Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.
Xukunka Dilka toogashada an ee afartan nin ayaa shalay dhaay, waxaana ka mid ahaa oday da’diisa lagu sheegay 57 sano jir ah; waxayna magacyadooda kala yihiin:
1- Maxamed Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 sano jir ahaa waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Q/Midoobay, isagoo kula kulmay xerada Xalane.
2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 sano jir ahaa waxaa la sheegay inuu la shaqeynayay Hay’ada Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.
3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 sano jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay inuu Basaas u ahaa sirdoonka Dowladda Soomaalia.
4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo ugu da’ weynaa waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.
Alshabaab ayaa inta badan sidan oo kale toogasho ugu fulisa rag ay degaanadeeda ka ururiso oo lagu eedeeyo basaanimo, lana shaaciyo inay qirteen dembiyada loo heysto.
