Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo Gobolka Bakool ku gubay 11 Gaari oo Xamuul ah & Dadkii la socday oo la laayay

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay gubeen gaaidid ganacsi, isla markaana ay dileen dadkii la socday gaadiidkaasi.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Xudur ee gobolka Bakool, markii Alshabaab ay jidka u galen Gawaari xamuul ahaa oo raashin Ganacsi geeyay magaalada go’doonsan ee Xudur, waxaana markaas ka dib ay dab qabadsiiyeen baabuurtii iyadoo laayay dadkii la socday.

Masuuliyiinta Gobalka Bakool ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen 13 Gaari oo nooca xamuulka ah, inta u dhaxeysa degaanka Qurac Joome iyo magaalada Xudur, waxaana la gubay 11 Gaari oo qaarkood la sheegay in miinooyin Qarxa lagu xiray, iyadoo ay ka baxsadeen 2 Gaari oo qura.

Wararka ayaa sheegaya in Gaadiidkaan oo raashin siday xamuulkaasina geeyay magaalada Xudur ay ka baxeen magaalada Beledweyne ee  gobalka Hiiraan, iyadoo laga lahaa gobolka Hiiraan, waxayna Alshabaab dileen Lix qof oo ka mid ah dadkii Gawaarida la socday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON