Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta laba qof oo shaqaale samafal ah ay ka afduubteen tuulo u dhow degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Labada qof oo u kala shaqeynayay hay’adaha Trocaire iyo World vision, ayaa laga afduubtay degmada Geedweyne oo qiyaastii 30 KM dhinaca Bari ka xigta began degmada Dooloow. Labada qof ee la afduubay ayaa ahaa shaqaale Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Maxamed Suubow Cabdulle iyo C/laahi Rashiid (Eng. GBS).
Maleeshiyaadka afduubka geystay ayaa la sheegay in labada qof ay ula dhaqaaqeen dhanka dhulka miyiga ah ee ay ka taliyaan Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee Gobolka Gedo.
Mas’uulyiin ka tirsan laamaha amaanka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in labadaan qof la afduubtay xili ay ku guda jireen shaqo ay u tageen deegaanka Geedweyne ee Gobboka Gedo. Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ka hor inta aan la afduubanin labadan qof ay ka yimaadeen dhanka degmada Luuq ee isla gobbolka Gedo.