Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dabley ka tirsan Al-shabaab ay Gobolka Sh/Dhexe ku gubeen Gaadiid Dhuxul u siday Magaalada Muqdisho.
Gaadiidkan ayaa dab lagu qabadsiiyey labadii maalin ee ugu dambeysay wadadda u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, iyadoo ilaa saddex Gaari oo Dhuxul siday ay saameysay arrintan, markii dabley ka daba yimid ay joojiyeen oo ay dab qabadsiiyeen.
Alshabaab ayaa mamnuucay gaadiidka Dhuxusha sida, waxayna markii hore kusoo rogeen ganaax u dhaxeeya 1000 ilaa 2000 Doolar, laakiin markii ay joogsan waayeen ayey amreen in Gaadiidka iyo dhuxusha la isku gubo.
Alshabaab ayaa hore gaadiid fara badan ugu gubay Gobolka Sh/Hoose, kadib markii ay Dhuxul soo qaadeen, waxaana markii danbe Gaadiidka Dhuxusha Muqdisho usoo galbiyey ciidamada dowladda, iyadoo sicirka Dhuxusha uu cirka isku shareeray caasimadda.