Kooxda Alshabaab ayaa maanta fulisay xukunno dil ah oo qudha looga jaray rag lagu sheegay basaasiin oo uu ka mid yahay nin lagu eedeeyay inuu u shaqeeyo sirdoonka Mareykanka CIA-da oo isagu maleegay dilkii Amiirka Alshabaab Axmed Godane (Abuu Zubeyr).
Dilkan ayaa lagu fuliyay7 qof, wuxuuna ka kala dhacay Buulo fuulaay oo ka tirsan Gobolka Bay iyo degmada Jilib ee Jubadda dhexe, waxaana laba ka mida dadka la daldalay ay u dhasheen dalka Kenya iyo qof Soomaali ah oo Jilib lagu dilay.
Ninka lagu eedeeyay inuu Mareykanka kala shaqeeyay dilkii Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr, amiirkii hore ee Alshabaab ayaa la sheegay in la gorwracay.
Dadka Alshabaab ay maanta ku toogatay Gobollada Baay iyo Jubadda Dhexe ayaa qaarkood ahaayeen amiiro ka tirsan Alshabaab iyagoo xilal sare ka hayay xarakada dhexdeeda.
Weerarada Mareykanka ee loo adeegsado diyaaraha aan cidna wadin ayaa la sheegay inay hagaan xubno ka tirsan Alshabaab oo si hoose ula shaqeeya sirdoonada shisheeye.
Goobjooge.com