Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay gubeen baabuur nooca xamuulka ah oo ku sii jeeday Gobolka Bakool.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Dodishe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay dab qabadsiiyeen 7 Gaari oo xamuul, kuwaaso ay lahaayeen dad Shacab ah, wuxuuna sheegay inay gaadiidkaasi ay badeeco kala duwan u sideen magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska oo aan sheegin haddii ciidamada u gurmadeen iyo in kale.
