Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar ay ku qaaday Gobolka Xeebta ee dalka Kenya ku dishay 9 qof oo la sheegay in la gowracay.
Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in weerarka oo dhacay aroortii saaka ay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Jima iyo Poromoko ee dhaca ee degaanka Lamu iyagoo soo ururiyay dadka aan islaamka ahayn, kadibna hal goob ku gowracay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in sida Digaagga loo gowracay 9 rag ah oo maleeshiyada ay soo ururiyeen, waxaana meydadkooda loogu yeeray Booliska Kenya.
Falkan ayaa ka danbeeyay weerar kale oo Al-shabaab Jilmcihii ku qaadeen degaanka Pandanguo oo u dhow halka weerarkan cusub ka dhacay, iyagoo halkaasi ku dilay saddex Sarkaal oo Booliska Kenya ka tirsan.
Alshabaab ayaa kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan gudaha Kenya, kuwaasoo qasaare badan dhaliyay bilihii ugu danbeeyay.