Faahfaahin kasoo baxeysa dagaalkii shalay ay kooxda Alshabaab ku qaadeen degmada Afgooye ayaa sheegaya in la dilay haween caan ka ah degmada.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye ayaa sheegay in Alshabaab ay beerteeda ku dilaan haween ganacsato caan ka ah degmada oo lagu magacaabi jiray Xabiibo Cali, iyadoo ahayd beeraley iyo ganacsatada khudaarta.
Wuxuu intaasi ku daray in weerarka Alshabaab ay ku dhaawacmeen ilaa saddex qof oo ay ku jiraan shaqaale u shaqeynayay shirkadaha isgaariinta Hormuud iyo koronta Danab ee degmada Afgooye.
Qasaaraha laba weerar oo is daba socda oo Alshabaab ku qaadeen Afgooye ayaa saaka soo shaac baxaya. Alshabaab ay sheegatay inay askar badan ku dileen Afgooye.
Goobjooge.com