Wararka laga helayo degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in fageere ku yaala halkaasi lagu soo badhigay askar meydad Kenyaati ah iyo gaadiid dagaal.
Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in askartaasi lagu dilay weerar ay oku qaadeen Tuulada Haamey ee duleedka Magaalada Gaarisa.
Dad fara badan ayaa isugu soo baxay bandhigga maanta oo jimce ah, waxaana meydadka ay ahaayeen laba Askari oo la sheegay inay Kenyaati yihiin.
Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu la’ yahay ciidamo Kenyaati ah kadib markii maleeshiyo Alshbaab ka tirsan ay weerarka ka soo qaadeen gudaha Soomaaliya.
Goobjooge.com