Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo ku dhawaaqday in la arkay Bishii Soonfur, Berri-na ay CIID degaanadeeda

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Alshabaab ay ku dhawaaqday in Berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul firtiga, lagana ciidi doono degaanada ay ka taliso.

Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa goor dhoweyd waxaa baahiyey warbaahinta taageerta oo soo xigatay Bayaan kasoo baxay xafiiska Garsoorka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in bishii Shawaal laga arkay deegaano ka tirsan Gobollada ay ka taliso Alshabaab.

Meelaha laga arkay Bisha ayaa la sheegay in kala yihiin Hiiraan, Gedo iyo Baay iyo Bakool, ayna arkee dad garaya 8 qof. Waxaana gaar ahaan goobaha bisha laga arkay lagu sheegay: Degaanka Afcad ee degmada Jalalaqsi, waxaana ka arkay 3 qof, halka degaanka Yasooman ee degmada Buulo Burte uu ka arkay hal qof.

Ad

Dhinaca klae Degmada Xudur ayaa la sheegay inay Bisha arkeen labo qof, halka degaanka Tuulo barwaaqo ee Gobolka Gedo la sheegay inay ka arkeen laba qof.

Guud ahaan dalalka islaamka ayaa laga waayey argatida Bisha Shawaal, iyadoo la iclaamiyey inay la dhammeystirayo Bisha Ramadaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON