Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo ku hanjabtay weerarro Culus oo ay ku qaadeyso Kenya, haddii Dowladda cusub…

Xarakada Al Shabaab ayaa bayaan soo saartay ugu hanjabtay ku socda dowladda cusub ee dalka Kenya, iyadoo ugu baaqdaye madaxweynaha cusub ee da;lkaasi dib u eegis ku sameeyo ciidamda ka jooga Soomaaliya.

Bayaanka Alshabaab oo lagu qoray Af-ingieiis ayaa loogu sheegay Madaxda cusub ee Kenya inay heystaan fursad ay dib uga fiirsadaan duullaanka ay kusoo qaadeen Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab ka digeen haddii dowladda Kenya ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya, inay weerarro waaweyn ka fulin doonto gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

“Keny awaxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku dib ugu eegi karaa karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al Shabaab.

Ad

Alshabaab waxay Kenya ugu janhabtay weerarro waaweyn. ‘”Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dagaalka iyo sii socoshada duullaanka Soomaaliya, Xarakada Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay, balse awaxy weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya” ayey Alsabaab ku qortay Bayaanka ku socda dowladda Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON