Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo kusoo biirtay Kiiska C/kariin Qalbi-dhagax [Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay]

Ururka Al-shabaab ayaa ku soo biiray muranka ka taagan Kiiska Sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya u gudbisay dalka Itoobiya.

War qoraal ah oo kaso baxay xafiiska warfaafinta Xarakada  Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab iska fogeyneyso hadalka kasoo yeeray kooxda Farmaajo, kaasoo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse “Qalbidhagax” uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab.
 
Al Shabaab waxay beenisay inaysan haba yaraatee wax xiriir ah aysan lalaheyn C/kariim Sheekh Muuse, waxaana, War-saxaafadeedka Al-Shabaab intaas ku daray: “Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda ridada ah ee Farjaamo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya..”.
Warka Alshabaab ayaa ahaa kii ugu degdegta badnaa ee ay uga jawaab bixiso mowqif kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyadoo ka faa’iideysaneysa xaaladda siyaasadeed ee xilligan jirta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON