Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa saaka la wareegay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Dagaalamayaasha Alshabaab oo wata in ka badan 25 gaadiidka dagaalka ayaa galay degmada Ceelwaaq, halkaasoo ay qaraxyo iyo rasaas kooban laga maqlay, waxaana ay la wareegeen gebi ahaan magaaladao oo kaabiga ku heysa xuduudka.
Dadka degaanka ayaa soo weriyay in Alshabaab ay gebi ahaanba qarxiyeen saldhigii ciidamada iyo xaruntii degmada oo ay miinooyin ku xireen, halkaasoo gebi ahaanba la baab’iyay.
Ciidamadii Kenya iyo kuwa Soomaalida ee magaalada ku sugnaa ayaa ka gudbay xuduudka iyagoo ka baxsaday weerarka Alshabaab oo ahaa mid xoog leh.
Ceelwaaq ayaa ku jirtay xaalad adag iyadoo maalintii ay maamuli jireen ciidamada dowladda, habeenkiina ay Alshabaab soo geli jireen, waxaana weerarka Shabaab uu imaanaya iyadoo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ku sugan yahay degmada Beledxaawo oo ay hore u qabsadeen Alshabaab.