Saturday, July 12, 2025

Alshabaab oo madaafiic ku weerartay Magaalada Baydhaba & Qasaare ka dhasay

Kooxda Alshabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday magaalada Baydhaba, iyadoo la soo weriyay in madaafiicda ay ku dhaceen dhowr meelood oo magaalada ka mida sida Xarunta Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Weerarkan oo naxdin weyn ku abuuray dadka magaalada ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in 2 qof ay ku dhinteen madaafiicdaasi iyo 10 kale ay dhaawacmeen, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee madaafiic lagu weeraro magaalada Baydhaba.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacay xarumaha ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaan saaka la soo weriyay in xiisad ka taagan tahay magaaladaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON