Alshabaab oo markii labaad toogasho ku fulisay Rag lagu eedeeyay Basaasnimo [Akhriso Magacyada]

Kooxda Alshabaab ayaa markii labaad muddo 3 maalmood gudahood ah xukun toogasho ah ku fulisay rahg lagu soo eedeeyay inay u basaasayeen dowladda federaalka iyo dowlado shisheeye .

Fulinta xukunka dilka ah ayaa Galabta ka dhacay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, sida uu shaaciyey garsooraha Alshaabaab oo dad boqolaal ah ka hor akhrinayay xukunka dilka iyo magacayada shan Nin ee lagu toogtay goobtaasi.

Raggan ayaa lagu soo eedeeyay inay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. AlShabaab ayaa sheegatay in Ragga maanta la toogtay ay qirteen dambiyada.

Magacyada ragga loo dilay basaasnimada ayaa kala ah:

1- C/raxmaan Xuseen Maxamed
2- Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3- Caliyoow Jiinoow Nuur
4- Max’med Yuunus Mad Keer
6- Cabdi Shakuur Xasan Xuseen

9-kii bishan ayey Alshabab fagaare ku yaalla degmada Jilib ku toogatay 5 nin oo lagu eedeeyay basaasnimo, iyadoo uu ku jiray nin heysta dhalashada UK.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,346FansLike
606FollowersFollow
2,560FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,346FansLike
606FollowersFollow
20FollowersFollow
2,561FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!