Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo nolol ku qabsatay Askari baxsaday oo ka tirsan Ciidamada AMISOM [Daawo Sawirro]

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay inay nolol ku qabatay askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Sh/hoose ee Alshabaab Sheekh Maxammed Abuu Usaama ayaa warbaahinta Alshabaab u sheegay in howlgal gaar ah oo ciidamada Alshabaab ka fuliyeen degaanka Qoryooley ay ku soo qabteen Askari Yugaandheys ah.

Askariga Reer Uganda ee Shabaabka isu dhiibay

Askarigan ayay AMISOM sheegtay inuu iskiis uga tegay xero uu difaac uga jiray oo ku taalla degmada Qoryooley, ayna baaritaan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen askariga maqan.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in askariga uu iskiisa uga tegay xerada isagoo aaday dhinaca Alshabaab  oo markii dambe uu isu dhiibay.

Askariga ayaa watay qori AK 47 ah, rasaas iyo rasaasta Baasuukaha (RPG). Kooxda Alshabaab ayaa lagu wadaa inay saxaafadda u soo bandhigto askarigan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON