Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo odayaal fara badan ka afduubtay Gobolka Hiiraan

Maleeshiyo ka tirsan Alshabab ayaa odayaal reer Hiiraan ah ka afduubatay duleedka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in duleedka magaalada Beledweyne, gaar ahaan tuulada Qarincad laga l afduubtay  9 oday  oo ka mida dadka tuulada, iyagoo u kaxeystay meel aan la garaneynin.

Oday ka badbaaday afduubka ayaa sheegay maleeshiyada  Al-shabaab ay u yimaadeen Odayaashaasi oo ku sugan goob ah ka socotay kulan duco ah, kadibna ay amar ku siiyeen inay raacaan., odaygan ayaa ka faa’iideystay buuqa iyo doodii dhex martay oo ka baxsaday goobta.

Lam oga sababta odayaashan ay u qabsadeen kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan, waxaana hore ay odayaal ugu dileen gobollada Galgaduud iyo Bakool.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON