Tuesday, July 1, 2025

Alshabaab oo qabsatay magaalada Marka & ciidamadii dowladda oo isaga baxay

Wararka ka imanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in  maleeshiyada Alshabaab ay qabsadeen magaalada marka ee caasimada gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay isaga baxeen magaalada.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabab in ay gudaha ugaleen magaalada Marka, iyadoo hadda gacanta ku dhigay dhammaan qeybaha magaalada oo ay ka taageen calankooda.

Ciidamada  AMISOM ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin saldhigooda ku yaalla duleedka magaalada iyagoo aan wax faragelin ku sameyn xaalada magaalada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sababta keentay inay ka baxeen magaalada Marka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON