Friday, July 11, 2025

Alshabaab oo qafaalatay wasiir ka tirsan K/Galbeed & mas’uuliyiin kale (Wararkii ugu danbeeyay)

Kadib weerarkii saaka aroortii ay ALshabaab ku qaadeen degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose kuna qabsadeen xeradii ciidamada AMISOM oo qasaare baaxad weyn dhaliyay waxaa soo baxaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed iyo degaanka leego iyo waliba ciidamo kala duwan ay afduub ahaan u qafaasheen ALshabaab.

amisom

Inta la xaqiijiyay dadka ay Alshabaab qafaasheen ama la filayo inay u gacan galeen waxaa ka mida:

Guddoomiyaha degaanka Leego Col. Abuukar Alcadaala

Guddoomiye ku xigeenkii Leego Macalin Xasan Madyaale

Waxaa kaloo Alshabaab gacantooda  lagu tebayaa inuu u gacan galay wasiirka maamulka K/Galbeed u qaabilsan Maleeshiyooyinka iyo hub dhigista Cumar Dheere.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM ay u gacan galeen Alshabaab, inkastoo aan la ogeyn tirada ciidankaasi iyo darajadooda, iyadoo AMISOM ka gaabsatay arrintan.

Qasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray dagaalkan ayaa la sheegay inuu sii kordhayo inkastoo ay ka gaabsadeen saraakiisha AMISOM haddana waxay qireen inuu jiro qasaare balaaran. Alshabaab ayaa tirada askarta ay dishay gaarsiisay ilaa 50.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qaabilsan UNSOM ayaa soo saaray war saxaafadeedyo ay ku cambaareynayaan weerarka culus ee maanta Alshabaab ku qaadeen Leego. Waxaa kaloo war saxaafadeed soo saaray wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Maman Sidikou oo ka tacsiyadeeyay qasaarihii gaaray ciidamada Burundi ka socda ee AMISOM.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON