Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo qafaashay Odayaal dhaqameed, kuna xiray Degmada Jilib [Magacyada]

Kooxda Alshabaab ayaa odayaal dhaqameed kasoo jeeda Jubbooyinka qafaashay iyadoo markii dambe ku xiray degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Odayaashan ayaa habeenkii Sabtida  ay Alshabaab kasoo afduubatay degmada Afmadow ee xuduudka Kenya u dhow, waxaana iminka lagu xiray degmada Jilib, markii loo soo kaxeeyay halkaasi.

Magacyada oday dhaqameedyada ayaa lagu sheegay: Saalax Bashiir iyo Saleebaan Cali Xeydar, iyadoo aan la ogeyn  sababta loo qafaashay iyo waxa ay dooneyso inay Alshabaab ku sameyso.

Alshabaab ayaa dhinaca kale hawada ka saartay Isgaarsiintii shirkadaha telefoonada ee magaalooyin badan oo ka mida Jubbooyinka, waxaana maalintii labaad maqan isgaarsiinta degaanada kala ah: Afmadow, Dhobley, Taabto, Qoqaani, Diif iyo degaano kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON