Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo rag lagu eedeeyay Basaasiin ku daldashay Degmada Jamaame [Akhriso Magacyada]

Maxkamada Alshabab ee Jubbooyinka ayaa xukunno dil ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay basaasnimo ay u basaasayeen dalalka Mareykanka, Kenya iyo Dowladda Federaalka.

Dilka  lagu fuliyay fagaaraha degmada Jamaame, waxaana al sheegay inay maleegeen shirqoollolagu dilay saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab.

Ragga dilka lagu fuliyay waxaa ka mid ahaa:

1-Siyaad Cali Cabdi: 26 sano jir ah lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay CIA-da Mareykankan, isagoo la sheegay inuu ku lug lahaa duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ka geysteen deegaanka Qoob Yaxaas ee gobolka Hiiraan oo lagu dilay 150 Alshabaab iyo dilka saraakiil k uu ka mid yahay Sheekh Max’med Dulyadeyn.

2- Axmed Ibraahiim 28 sano jir, lagu eedeeyay inuu muddo lix sano ah la shaqeynayay dowladda Kenya..

3- Yuusuf Makaraan Maxamed 58 sano jir, lagu eedeeyay inuu wadashaqeyn la lahaa sirdoonka Mareykanka CIA.

4- Cabdullaahi Cumar Xasan 26 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay jaasuus u ahaa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dadweyne fara badan ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu fuliyay dilka afarta nin ee lagu soo eedeeyay basaasnimada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON