Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo sarkaal ku dishay, gaadiidna ku gubtay Gudaha Kenya

Dabley la sheegay inay yihiin Alshabaab ayaa weerar kale ku qaaday degaanka Mandheera ee dalka Kenay iyadoo qasaare ka geystay halkaasi.

Warbaahinta Kenya ayaa shaacisa in kooxdan ay xalay xil dambe weerar ku qaadeen saldhigga booliiska degaanka Lafey iyo xarunta degaanka Mandheera, iyadoo dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska, isla amrkaana gubay saddex baabuur.

Dableyda weerarka qaaday ayaa lagu sheegay inay tiradoodu gaaereysay 50, sida uu sheegay ku xigeenka gudodomiyaha degaanka Lafey Eric Oronyi.

Wuxuu sheegay in ilaa saddex maleeshiyo ama la dilay ama la dhaawacay sida laga arkay dhiig badan oo ka daatay, isagoo intaas ku daray in Alshabaab ay burbur weyn u geysteen xarumaha booliska iyo tan maamulka.

Maleeshiyada ayaa hore u kaxeysatay baabuur uu boolisku lahaa, iyagoo goobta ka baxsaday. Alshabaab ayaa si weyn u kordhisay weerarrada ay ka geysaneyso dalka Kenya xilligan doorashada soo dhowdahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON