Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay ninkii fuliyay qarixii weynaa ee lagu qaaday Hotelka SYL inuu ahaa shaqsi kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in ninka qaraxa fuliyay lagu magacaabo Shukri Cabdullaahi Diiriye (Jaabir), isagoo ah 44 sano jir ka soo jeeda Gobolka Gedo.
Cod laga duubay ninkan ayuu ku sheegay ujeedka uu isu qarxiyay isagoo ay ka muuqdaan in afkaartii Alshabaab laga buuxiyay.
Jaabir waa Aabe 44 jir ah oo ka dhashay beesha Mareexaan ee degta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuu ku dhashay deegaanka Buusaar ee Wilaayada Gedo sanadkii 1972-kii.
WARKA ALSHAHAAB
Alshabaab ayaa caadiyan baahisa dadka ay is qarxinta u dirto muuqaaladooda iyo sawiradooda iyo weliba beelaha ay kasoo jeedaan, waxaana lala yeeshaa wareysiyo xilliga ay qaraxayada ku sii jeedaan.
Goobjooge.com