Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo shaacisay Gaadiidkii ay ku qabsatay & Askartii ay ku dishay Weerarkii Saldhigga Ceel-Saniini [Sawirro]

Alshabaab ayaa goor dhoweyd shaacisay muuqaallo ku saabsan weerarkii ay shalay aroortii ku qaaday saldhigga Ceel-saniini ee Gobolka Sh/Hoose, kaasoo ay sheegatay inay ku dishay 23 askari, kuna qabsatay 6 gaadiid oo ay ku jiraan kuwa dagaalka.

Sawirrada ay baahisay qeybta warfaafina Alshabaab ayaa waxaa ka muuqda gaadiidka ciidamada xoogga dalka oo isugu jira 6 baabuur oo midkood uu yahay gaari caadi ah, halka mid kamida uu saarnaa qori, waxaana sidoo kale ay soo bandhigeen meydadka ilaa 3 askari iyo mid la qabtay, iyadoo aanay weli jirin cid xaqiijisay.

Weerarkii Alshabaab ee Saldhigga Ceel-Saniini shalay ku qaadeen ayaa ahaa mid qasaare badan dhaliyey, inkastoo ay ka gaabsadeen taliska milateriga Xoogga Dalka, haddana waxaa saxaafadda la wadaagay saraakiil ka mida ciidamada, wuxuuna saldhigga ahaa ku mid ku yaalla gudaha degaanada ay ciidamada heystaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON