Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn ay wadajir u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadood Mareykanka oo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Sh/hoose lagu dilay xubin ka tirsan Alshabaab.
Duqeyntan oo ugu horeyn ay shaacisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kadib qoraal kasoo saaray Howlgalka Mareykanka ee Africa (AFRICOM), waxaana lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubin ka tirsan Alshabaab, iyadoo aanay jirin shacab wax ku noqday.
Dhinaca kale warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in qofka lagu dilay duqeynta ka dhacday Degaanka Kuunya-Barrrow uu ahaa qof shacab oo ahaa ganacsade degaanka si weyn looga yaqiin, waxayna magaciisa kusoo gaabiyeen ‘Ismaaciil’, iyadoo lagu duqeeyay duleedka degaankaasi.