Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay 9 Kenyaan ah ku laayeen duleedka magaalada Gaarisa & Wararkii ugu danbeeyay…

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerar cusub oo ay ku qaadeen  Gobolka W/Bari Kenay ay ku dileen 9 qof oo Kenyaan ah, weerar ka dahcay agagaarka magaalada Gaarisa.

Sida ay sheegtay Alshabaab weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Harbuul oo 50 KM u jirta magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxayna halkaasi ku dileen 9 Kenyaan ah oo ay hubiyeen inaysan muslin aheyn, isla markaana ay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa dowladda Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo Alshabaab ay dhowaan weerar ka dhcay Wajeer ku leysay ilaa 11 qof oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayey Bas kusii jeeday Wajeer.

Wararka laag helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Fiidnimadii Talaadadda laba qof oo shaqaale dhismo ahaa lagu dilay degaanka Faadi ee maamulka Gaarisa, waxaan Boolisku ay baarayaan cidda ka danbeysay dilkaasi inay yihiin Alshabaab iyo in kale.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degaanka Maxamed Bariq, waxay ciidamadu ku raad joogaan dableyda weerarka geysatay. welina lagu raadjoogo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON