War kasoo Al Shabaab ayaa lagu shaaciyey in werarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay degaanka Janaay-Cabdalla, duleeda Kismaayo, lagu dilay askar Mareykan ah iyo kuwa cidamada Kumaandooska Soomaalia.
Qoraal kasoo baxay taliska Maleeshiyada Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerar is-miidaamin ah oo ka dhacday degaanka Janaay Cabdalle lagu dilay 4 sarkaal American ah iyo 16 ka tirsan CIidamada Kumadooska Soomaaliya.
Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo saraakiisha Jubbaland ayaas heegay inay fahiliyeen weerarka oo Gaariga qaraxa laga soo buxiyey oo ahaa nooca Prado lagu toogtay intii aanu soo gaarin xarunta ciidamada, waxayse ilo kamida saraakiisha Jubbaland sheegeen inay qaraxa ku dhinteen laba askari oo ciidaada dolwadd, laguna dhaawacay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka.
Alshabaab ayaa inta badan sheegata inay ciidamo badan ku laayeen weerarrada ay geystaan, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisa.
