Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay Qarax is-miidaamin ku beegsatay Ciidamo Somali iyo Ajnabi ah (War ka duwan…)

Alshabaab ayaa shaacisay inay saka qarax is-miidaamin ah ku qaaday ciidamo isugu jira Somalia iyo ajnabi oo dhaqdhaqaaq ka waday degaanka TooraToorow ee Gobolka Sh/Hoose.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegta inuu qasaare weyn ka dhashay weerarka Is-miidaamita ahaa markii Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay is-miidaamiye ka tirsan Alshabaab lagu dhuftay goob uu gaadiid dagaal u yaallay ciidamadaasoo xalay saqdii dhexe ka baxay saldhigga Balidoogle.

Warka Alshabaab oo ka horjeeda war ay isla maanta soo saareen ciidamada dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu burburiyey laba Gaari oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa ajnabiga ah oo ay watay diyaaradaha Drone-ka.

Talika ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ayaa maanta iska sheegay in ciidamda Danab ay gubteen Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, iyadoo uu ku dhintay qofkii Gaariga waday naftii-halige.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, iyadoo dhinaca ciidamada dowladda ay soo bandhigeen oo kaliya qarax meel ka fog ka muuqda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON