War ay baahiyeen warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug oo magaciisa lagu sheegay o C/llaahi Maxamed Abti-doon uu isku soo dhiibay kooxda Alshabaab.
Sarkaalkan ayay shaaciyeen Al-shabaab inuu iska dhiibay degaanka Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug ee ay gacanta ku hayaan. Ninkan ayay sheegeen Al-shabaab inuu ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug, waxayna sababta uu ciidamada Galmudug uga goostay ku sheegeen Mushaar la’aan.
Ninkan oo noqonaya sarkaalkii ugu horeeyay ee tallaabadan ku dhaqaaqaa ayaa ka tirsana ciidamada Maamulka Galmudug ee Jooga degaanka Camaara Ee Koofurta Gobolka Mudug.
Maamulka Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan iyo sarkaalka is dhiibay ee ka tirsan ciidamada Galmudug.
Goobjooge.com