Alshabaab ayaa shaacisay wareysi lala yeeshay Ismiidaamiyihii isku qarxiyey Saldhigga ciidamada milateriga Ceel-Saniini ee Gobolka Sh/Hoose oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 askari oo ka tirsan cidamada Milateriga dowladda Somalia.
Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay dardaaranka laga qaado is-miidaamiyeyaasha kooxdaasi, waxaana lagu magacaabi jiray Abshir Yuusuf Cali oo ku magac dheeraa (Salaaxudiin), wuxuuna kasoo jeedaa beesha Shanta Caleemood, siiba jufada Heyfmuge, isagoo ku dhashay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose, wuxuuna xilligan ahaa 26 sano jir.
Is-miidaamiyahan ayaa wareysiga laga duubay ku sheegaya inuu ku faraxsan yahay tallaabada uu isku qarxinayo, kana mid ahaa dadka isku qoray inay is-miidaamiyaan., kuna taagnaa jidkii dadkii uga horeeyay is-miidaaminta.
Alshabaab ayaa dadka ugu badan ee ay u adeegsato qaraxyada is-miidaaminta ah waxay kasoo jeedaan Beelaha Digil & Mirifle.