Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo shaacisay muuqaal ay ugu baaqeyso dhalinyarrada Ajnabiga inay Somaliya usoo hijroodaan

Qeybta Warbaahinta Alshabaab ayaa xalay baahisay muuqaal ay dagaalyahannada islaamka ee dunida ku nool ugu yeereyso inay u soo hijroodaan Soomaaliya si ay uga qeyb galaan jihaadka.

Muuqaalka oo lagu diyaariyey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska iyo Sawaaxiliga ayaa soconaya muddo ka badan Hal saac, waxaana lagu soo qaatay dagaalmayaashii Ajnabiga ahaa ee ka barbar dagaalamay Alshabaab ee geeriyooday, kuwaasoo ka kala socday dalalka Afrika iyo Yurub.

Waxaa muuqaalka kasoo muuqday Amiir ku xigeenka Alshabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Alshabaab ee qaabilsan dalka Kenya Ahmed Imam, iyagoo soo xiraya tababar u dhammaaday ciidamo ka mida kuwa ka yimid dalka Kenya.

Ad

Muuqaalka Alshabaab ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhalinyarro cusub oo dibadda uga soo biirta Alshabaab, iyadoo lagu soo qaatay baaqyo iyo hadallada hoggaamiyeyaasha Alshabaab ugu baaqayaan dhalinyarrada caalamka ku nool ee islaamka inay yimaadaan Soomaaliya, kuna biiraan Jihaadka ka socda.

Dagaalyahanno kala duwan oo ka yimid Yurub, dalalka Afrika iyo kuwa Carabta oo qaarkood dhinteen ayaa ugu baaqaya saaxiibadood inay Soomaaliya yimaadaan, waxayna ku doodayaan inay nolol fiican ku heystaan gudaha Soomaaliya.

Alshabaab iyo dagaalyahannada Ajanbiga ah ayaa hore dhibaato culus u dhex martay, kadib markii ay inta badan xubnihii Ajnabiga ahaa taageereen Khilaafadii Daacish, qaarkoodna la dilay, qaarna ay baxsadeen, lamana oga sababta xilligan kusoo beegtay inay baaqan cusub soo saaraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON