Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay sawir askari u dhashay dalka Uganda oo ay maxbuus ahaan u heystaan, waxaana sawirka ka muuqda askari da’diisu meel dhexaad tahay iyadoo uu ka mid ahaa askar lagu qabtay dagaalkiis Janaale.
Alshabab ayaa weerarkii ay ku qaadan xeradii AMISOM ee Janaale shaacisay inay ku qabsatay maxaabiis dagaal oo Uganda u dhashay arrintaas oo ay beeniyeen saraakiisha AMISOM iyo kuwa dalka Uganda, balse waxaa markii danbe xaqiijiyay madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo sheegay in ilaa 7 askari oo ciidamada Uganda ka mida lagu la’ yahay dagaalkii Jannaale.
Askariga maxbuu ahaanta Alshabaab u heystaan ee u dhashay dalka Uganda ayaa kasoo dhex muuqday filim ay soo saartay Mu’asasada Al-kataa’ib ee garabka warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka hadlaya dagaalkii degmada Janaale. Filimka oo soconaya mudo 26 daqiiqo ah mu’asasada waxaa laga dheegan karaa dagaalka oo socda iyadoo ay dhacayaan qaraxyo iyo dilal toos ah.
Sidoo kale waxaa filimka lagu soo bandhigtay askarigan kamida askartii Uganda ee ciidamada Alshabaab nolasha ku qabteen dagaalkaasi sida ay sheegeen.
Goobjooge.com