Kooxda Alshabaab ayaa shaacisey magaca iyo beesha uu ka soo jeedo is-miidaamiyihii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday Jimcihii xerada Ciidamada Imaaraadku tababarraan ee magaalada Afgooye.
Is-miidaamiyaha oo waday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Saldhigga Imaaraadka, waxaana howlgalkaasi ay sheegtay Alshabaab inuu Qaraxaasi fuliyey Aadan Cali Ukumey oo loo yaqaano (Qalinle ama Baariyow), kaasoo kasoo jeeda Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.
Qalinle ayaa kooxda Alshabaab ay sheegtay inuu ahaa 26 sano jir, kuna dhashay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Waxaana la baahiyey wareysi lala yeeshay intii aanu is qarxin isagoo sheegay sababta u kaliftay inuu is-miidaamiyo.