Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar koox bistoolado ku hubeysan ay maanta ka fuliyeen magaalada oo lagu dilay xubno la sheegay inay ka mid yihiin ciidamada dhar-cadka ee NISA.
Afar qof oo ka mida dhar-cadka NISA ayaa lagu dilay weerarkan oo ka dhacay xaafadda Buundooyinka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyadda weerarka sheegatay kooxda Alshabaab.
Sida ay faafiyeen warbaahinta Alshabaab waxaa weerarka geystay xubno ka tirsan Alshabaab oo beegsaday Afar ka tirsan cidamada loo yaqaan dhar-cadka ee nabadsugidda, halkaasina ay ku dileen.
Alshabaab ayaa sheegatay in xubnihii weerarka fuliyey ay ka laabteen goobta markii ay falkaasi fuliyeen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga oo ku saabsan weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
