Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Qarax is-miidaamin ku dishay Ciidamo uu ku jiro Askari Mareykan ah

ALshabaab ayaa sheegatay weerar ka dhacay degaanka Gandershe ee Gobolka Sh/Hoos, kaasoo ahaa is-miidaamin lagu qaaday ciidamo Soomaali iyo Amrican isugu jiray.

War kasoo baxay Alsahbaab ayaa lagu sheegay in Gaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday is-miidaamiye lagu weeraray ciidamadan oo ku sugnaa degaanka Gendershe, laguna dilay 5 askari oo uu ku jiro Askari Mareykan ah.

Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa u qornaa sidan:”Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ciidamo saliibiyiin iyo murtadiin ah  kula beegsadeen deegaanka Gandarshe ayay ku dileen Askari American ah iyo 4 katirsan maleeshiyaadka Alpha Group”.

Ma jiro cid xaqiijisay warka kasoo baxay Alshabaab iyadoo Taliska ciidamada dowladda aanu ka hadlin arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON