Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay in ciidamadii dowladda iyo kuwa Mareykanka ee taageerayey ay dib uga baxeen degaanka Tooratoorow ee Gobolka Sh/Hoose, kadib markii ay shalay ku qabsadeen iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay xalay dib ula wareegtay, isla markii ay ka baxeen ciidamada Danab, iyadoo aanu wax War ah kasoo bixin saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta kale oo shalay si weyn ugu buunbuuniyey dib u qabashada degaankaasi muhiimka ah.
Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay dhaqdhaqaaq xoog leh ka wadaan degaankaas, halka ciidamadii Kumaandooska ee Danab iyo kuwii Mareykanka ay ku laabteen saldhigga Ballidoogle ee fadhiga u ah.
Alshabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya marar badan isu bedelay gacan ku heynta degaankan sanadihii ugu danbeeyay, laakiin Alshabaab ayaa ku negaatay labadii sano ee danbe, iyadoo ka dhigatay xarun canshuurta iyo maxkamadaha uga howlgalaan.