Kooxda Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dagaalku ahaa mid kedis ah oo la isku weydaarsaday hub culus.
Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Milatariga ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in 4 qof oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah ay ku dhinteen dagaalka saaka ka dhacay Qoryooleey.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in ay weerarka Qoryooley ay ku gowraceen saddex Askari oo ka mida Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay nolol ku qabteen. Sida lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab qasaare badan ayay Alshabaab gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa Qoryooley.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladd Soomaaliya ee ku sugan Qoryooley. Alshabaab ayaa si weyn u xoojisay weerarada ay ka wadaan Gobolka Sh/hoose.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]