Xarun lagu dhaqan celiyo askarta ka goosta ciidamada dowlada ayaa soo saartay kooxdii ugu horeysay oo ciidamo dib loo habeeyay ah.
Xaruntan ayaa muddo saddex Bilood ah ku soo saartay 46 qof oo la sheegay inay goosten oo towbad keeneen, iyagoo goostay inay ka mid noqdaan kooxda Alshabaab.
Munaasabad ka dhacay goob aan la shaacin oo ay ka qeyb galeen madaxda Alshabaab ee Gobollada Jubooyinka, Bay iyo Bakool iyo Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay askarta cusub, waxaana ka soo dhex muuqday madax ka tirsan Alsabaab oo wejiyadooda la qariyay.
SAWIRRO