Warbaahinta Alshabaab ayaa soo bandhhigtay meydadka dad shacab ah oo shalay maqribnimadii ku dhintay weerar duqeyn ah oo ka dhacay degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/Hoose.
Meydadka ayaa waxaa ku jiray odayaal, haween iyo rag meel dhexaad ah oo u muuqday dad shacab ah, kuwaas oo xilligaas ku sugnaa Busteejo mashquul badan Jimcihii oo laga rarro Gaadiidka.
Warbaahinta Alshabaab ayaa hore u shaacisay in dadka duqeynta ku dhintay ay ahaayeen Gaadiidley iyo dad shacab ah, isla markaana ay weerarka oo Diyaarad Drone Mareykan ah ay qaaday ay ku dhinteen 10 qof, halka 10 kale ku dhaacmeen.
Wararka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayey ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka Mubaarak ee shalay maqribnimadii dhacay, waxayna sheegtay in howlgalka lagu dilay horjooge ka tirsan Alshabaab, inkastoo ay qirtay in goobta dad shacab ah ku sugnaayeen, haddana kama hadlin qasaaraha gaaray.