Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo isu dhiibay, kaasoo ahaa taliyihii Ciidamada Dowladda ee degaanka Ceelbuur.
Al-shabaab ayaa shaacisay in labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali (Xeynuuf) iyo Qoyskiisa ay isu dhiibeen Alshabaab, iyagoo ku noolaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sarkaalkan Cabdullaahi Maxamuud iyo xaaskiisa Dahabo Xirsi Maxamuud ayaa Maxkamadda Alshabaab ee gobolka Galguduud uga dhawaaqay inay ka towbad ciidamadii ay ka mid ahaayeen ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay warbaahinta Alshabab.
Ma jiro war kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka oo xaqiijinaya arrintan, laakiin dadka degaanka ayaa aqoonsaday sarkaalkan oo tan iyo intii ay ciidamada Itoobiya ka baxeen Ceelbuur dibad joog ku ahaa Gobolka Hiiraan.
SAWIRRO