Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo Toogasho cusub ku fulisay 4 Nin oo lagu eedeeyay Basaasnimo (Akhriso Magacyada)

Alshabaab ayaa mar kale xukunno Dil toogasho ah ku fulisay rag ay ku eedeysay inay basaas u yihiin sirdoonada dowladaha Somalia iyo Kenya.

Maxkamadda Alshabaab ayaa degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo kuu toogtay shalay afar qof oo da’doodu u dhaxeyso 25 ilaa 60 sano jir oo la sheegay inay qirteen inay u shaqeynayaan Sirdoonka NISA iyo Kenya; waxayna kala yihiin.

1- Axmed Cali Dhuxul oo 50 sano jir ah- waxaa lagu soo eedeeyay inuu la shaqeynayey ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland, kuna qaatay lacag.

2- Cali Cumar Axmed oo 42 sano jir jir ah waxaa lagu soo eedeeyay inuu u shaqeyn jiray Hay’adda NISA qeybta ka howlgala degaanka Ceeljaalle ee degmada Marka, Gobolka Sh/Hoose.

3- Aadan Duuble Xasan oo da’diisu tahya 59 sano jir waxaa la sheegay inuu qirtay inuu la shaqeyayey sirdoonka Kenya ilaa sanadkii 2013, isagoo macluumaad uga diray degmada Saakow.

4- Ibrahim Cimraan Hoorow oo 25 sano jir ah – Waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey Sirdoonka Itoobiy, iyo maamulka K/Galbeed, isagoo ciidamo Itoobiyaan ah ku hoggaamiyey degaanka Goof Gaduud Shabeelow.

Alshabaab ayaa xoojisay falalka dilka ah ee lagu fulinayo xubno lagu soo eedeeyay basaasnimo, waxayna muddo kooban ku toogatay Jilib, Bu’aale iyo Ceelcadde dad gaaraya 14 qof oo lagu eedeeyay inay qorteen basaasnimo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON