Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo toogasho ku fulisay 2 Askari & Oday 75 sano jir ah, Gobolka J/Hoose. [Akhriso Magacyada]

Alshabaab ayaa shaacisay inay xukun dil toogasho ah ku fulisay 3 nin oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland.

Toogashada ayaa shalay galabtii ka dhacday Fagaare kuyaal degaanka Kabsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana xukunka ku riday Maxkamadda Alshabaab ee Jubbooyinka oo sheegtay inay ragga lasoo eedeeyay qirteen dembiyada lagu soo eedeeyay.

Magacyada ragga la toogtay ayaa kala ah:

1- Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sano jir ahaa, laguna inuu ka mid ahaa ciidamada Danab oo Alshabaab ay sheegeen inay ka qabteen wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.

2- Xuseen Maxamed Cabdi (Arsal) oo 20 sano jir ahaa, lagu sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala Baar Sanguuni.

3- Falliir Yarow Cali oo 75 sano jir ah, kaasoo Alshabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayay ciidamada Kenya ee ku sugan degaanka Hosingow ee Jubbada Hoose.

Dadka Alshabaab toogtaan ayaa dhammaantood la sheegaa inay qirteen dembiyada lagu heysto, iyagoo aan helin cid u dooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON