Alshabaab ayaa xukun toogasho ah ku fulisay nin oo ay sheegtay in lagu helay Basaasnimo, iyagoo u shaqeynayey dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qaarkood.
Maxkamadda Alshabaab ee Jubbooyinka ayaa lixda nin kusoo eedeysay inay ku dhaceen xad riddo ah, waxayna ku xukuntay in toogasho lagu dilo, iyadoo sheegtay inay qirteen dembiga ay galeen; kadibna waxaa dilkooda lagu fuliyey meel fagaaro ah.
Magacyada ragga dilka lagu fuliyey ayaa kala ah:
1- Maxamad Iidow Aadan (Tareeso), waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.
2- Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow – waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsana Sirdoonka Dowladda federaalka.
3- Cusmaan Cabdulle Afrax – waxaa isna lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.
4- Xassan Hafow Saney – waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
5- Maxamad Cali Madkeerow (Qoryooley) – waxa lagu soo eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.
6- Hilowle Bashiir Aadan oo isna lagu soo eedeeyay inuu shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.