Alshabaab ayaa degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ka fulisay xukun toogasho ah oo lagu qaaday rag lagu eedeeyay inay ahaayeen Basaasiin.
Maxkamadda Alshabaab ee degaankaasi ayaa Afar rag a kusoo eedeeysay inay u basaas u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Mareykanka, waxaana la sheegay inay qirteen denbiga loo heystay.
Dillka raggan ayaa lagu fuliyey goo fagaare ah, waxayna magacyada ragga la toogtay kala ahaayeen:
1- Diini C/qaadir Maxamed
2- Ciise Cismaan Geelle
3- Aadan Xasan Maxamed
4- Cabdicasiis Xasan Cabdi
Alshabaab ayaa xukunno noocan ah ku fulisa rag aan inta badan helin difaac iyo cadaalad oo la sheego inay qirteen denbiyada lagu eedeeyay.
