Kooxda Alshabaab ayaa war aan la fileyn kasoo saartay dabkii dhowaan ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha iyadoo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo sababtii ka dambeysay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Alshabaab  Sheekh Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta Alshabaab  ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee uu gubto Suuqa Bakaaraha.
Wuxuu intaas ku daray in shaki lag qabo in dhinacyo caddow ah mas’uul ka ahaayeen dabka qabsaday  Suuqa Bakaaraha, wuxuuna tusaale u soo qaatay in laba bilood ka hor hal habeen mar qura ay wada gubteen suuqyada ganacsiga ee Dharkeynleey, Bakaaro iyo Baydhaba.
Wuxuu ku baaqay baaritaan dheer oo lagu sameeyo gubashada suuqa Bakaaraha oo uu sheegay inuu yahay goobtii looga gurman lahaa dadka abaartu heyso.
Goobjooge.com